Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qalab Caafimaad Kala Wareegtay Xafiiska Dawlada Ingiriiska Ee Somalilanad

HARGEYSA – (WARSOOR) – Qalalabkaas ay wasaaradda caafimaadku la wareegtay ayaa waxa ka mid ahaa dawooyin uu u baahan yahay mishiinka lagu baadho xannuunka Corona-virus.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye agaasimaha wasaaradda caafimadku wuxuu sheegay in xafiiskaasi wasaaradda caafimaadka kala shaqeeyo xakamaynta xaaladda Covid 19, waxaanuu intaas ku daray in deeqo kale oo la xidhiidha qalabka xakamaynta xannuunkaas ay xafiiskaasi dawlada Ingiriisku dhawaan soo gaadhsiin doonaan wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye wuxuu kormeer ku tagay cisbitaalka Daryeel oo wasaaradda caafimaadku ugu talo gashay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xannuunka Corona-virus.

Masuuliyiinta cisbitaalkaas ayaa sheegay in ay hadda cisbitaalkaas jiifaan 10 qof, oo uu haleelay xannuunkaasi, waxaanayu intaas ku dareen in dadka cisbitaalkaas la keenaa ay soo kordhayaan dadka cisbitaalkaas loo keenay xannuunka Covid 19.Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in tobankaas qof ee cisbitaalkaas u jiifa xannuunka Covid 19 ay xaaladoodu fiican tahay, waxaanuu intaas ku daray in kormeerkaas u jeedadiisu ahaa in uu u kuur-galo baahiyaha cisbitaalkaasi qabo ee la xidhiidha adeegyada ay u baahan yihiin hawl-wadeenada ku hawlan la tacaalida dadka cisbitaalkaas loo keeno xannuunka Coron-virus