Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo Agab lagaga hortago Covid-19, gaadhsiisay deegaano hoos yimaada gobolka Togdheer

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Agab lagaga hortago Xannuunka Covid-19 gaadhsiisay deegaamada Balli-dhiig, Qoryaale, War-cimraan, Nasiye iyo deegaanada hoos taga degmooyinkaas.

Isu-duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Togdheer Adan Casayr ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii loo ilaalin lahaa caafimaadka guud ee bulashada gobolka, islamarkaa qalabkaas iyo dawooyinka ay gaadhsiiyeena loogu talo galay in lagula dagaalamo xannuunka Covid 19, isaga oo bulshada degmada Balli-dhiig ku amaanay laba waadh oo ay iskood u dhisteen, kuwaas oo wax badan ka tari doona bukaanada soo gaadha xarunta caafimaadka ee Balli-dhiig.

 Isu-duwuhu waxa uu tilmaamay in ka xukuumad wixii awoodooda ah ay ka gaysan doonaan sidii loogu shaqayn lahaa labadaas waadh oo imika u baahan qalabkii lagaga hawl gali lahaa.

Gabagabdii maamulka degmada Balli-dhiig ayaa u mahad celiyay wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo maamulka caafimaadka ee gobolka Togdheer, iyaga oo balan qaaday in ay heegan sare ka gali doonaan la dagaalanka xannuunka Covid-19 iyo ilaalinta bad qabka guud ee bulshada deegaankaasi.