Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Soomaaliya Oo Xilkii U Kala Wareejisay Agaasime Cusub iyo Kii Hore

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa maantay oo ay taariikhdu tahay 7 Janaayo 2023, Qabatay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Axmed Yusuf Cabdulle iyo Agaasimihii hore ee Wasaradda Dr Cabadi Naasir Mukhtar Ibrahim.

Xafladda oo ka dhacday Xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Dr Maryan Maxamed Xuseen, iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Xasan Maxamed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Bankigga dhaxe xubno ka socoday hanti dhowrka Qaran iyo Madax kale oo ka socotey hey’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaaddka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda caafimaadka Dr Cabdi Naasir Mukhtar Ibrahim iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Ahmed Yuusuf Cabdulle.

Munaasabadda oo ay ka hadleen Madaxada Wasaaradda iyo Mas’uuliintii kale ee kasoo qeyb gashay ayaa la soo jeediyey khudbado wax ku ool ah oo si gaara ugu hadlaya howlaha agaasinka Wasaaradda Caafimaadka iyadoona la bogaadiyey howlihii uu soo qabtey Agaasimihii hore ee Wasaaradda sidoo kale waxay si diiran loo soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda iyadoona loogu soo jeediyey Agaasimaha cusub dardaaran ku aadan howlaha horyaala ee loo igmaday.