Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlayo Horumarinta adeegyadda dalka

Hargaysa – (WARSOOR) – Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa soo gebogebaysay kulan maalmihii u danbeeyay xarunta wasaaradda uga socday masuuliyiinta arrimaha gudaha iyo guddoomiyeyaasha goboladda dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda goboladda dalka sidii qiimayn loogu samayn lahaa, waxaana laggaga hadlay horumarinta adeegyadda arimaha bulshadda, la dagaalanka mukhaadaraadka, qabyaaladda, joojinta deegaamaynta cusub iyo sidii loo ilaalin lahaa deegaanka, ilaaladda Xeebaha iyo Duurjoogta dalka.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbaahinta uga warbixiyay kulanka waxaanu sheegay in shirka lagagga hadlay xoojinta nabad kuwada noolaanshaha bulshada Somaliland iyo in aan cudur daar la siin cid kasta oo waxyeelaysa nabadgelayada dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxaa uu sheegay in aan la ogolayn deegaamaynta cusub ee waxyeelaysa bedqabka deegaanka iyo in masuuliyiinta gobolladu kor u qaadaan la dagaalanka mukhaadaraadka siiba xashiishadda iyo khamriga oo beryihii u danbeeyay dalka ku soo badanaaya iyo in loo diyaar garoobo doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona.

Wasiirka arrimaha Guduhu waxaa kale oo uu sheegay in la Joojiyey Caleemo saarka Cuqaasha Cusub isla markaana ay talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hor timaada amarkan.