HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay qaybaha Warbaahinta Madaxa banaan uu wehelinayo Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo).
Guddi ka socotey Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxayna ka wada hadleen wada shaqaynta Xukuumadda iyo Warbaahinta madaxa banaan, sidoo kale waxay ka wada hadahadleen kiiska Weriye Bushaaro Baanday.
Kulankan Warbaahinta Madaxa banaan iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku soo dhamaatay isfaham, waxaana lagu ballamay kulamo danbe oo kan ka ballaadhan, waxaa kulankan Wasiirka iyo Warbaahinta Madaxa Banaan ku wehelinayey Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) oo muddo dheer ku soo jirey Saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland.



