Wareegga labaad ee tallaalka COVID-19 oo ka billowday magaalada Kismaayo

KISMAAYO – (WARSOOR) – Wareega labaad ee tallaalka COVID-19 ayaa ka billoowday magalada Kismaayo, iyadoo saraakiisha caafimaadka Jubaland ay sheegeen in ay ka faa’iideysteen tallaalkaasi inka badan 10-kun oo qof.

Arrintaasi ayaa la rumeysanyahay inay sababtay in uu hoos u dhac ku yimaaddo dadka uu soo ridanayo cudurka COVID-19.