WAR-MURTIYEED: Dabaal-degga Hanashada ZAAD ee Shahaadada GSMA Mobile Money Certification

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirkada Telesom gaar ahaan qaybta lacagaha la iskugu diro Mobile-ka ee ZAAD Service ayaa waxay ku guuleysatey shahaadada caalamiga ah ee ururka GSMA siiyo shirkadaha bixiya adeegga Mobile Money ee buuxiya hal-beegyada la isku raacsan yahay ee adeegga lacagaha mobile-ka la isugu diro kadib marka la mariyo qiimayn madax bannaan oo muujinaysa heerka uu ka taagan yahay adeeggaasi hufnaanta, ammaanka iyo hab-shaqeedka looga baahan yahay.

Global System for Mobile Communications Association (GSMA) waa urur caalami ah oo ay xubno ka yihiin in ka badan 700 oo shirkadaha isgaadhsiinta ee dunida daafaheeda ku kala yaal, shirkadda Telesom-na ay xubin ka ahayd muddo dheer. GSMA waxa uu bilaabay shahaadada Mobile Money Certification sanadkii 2018, waxaana lagu qiimeeyaa shirkadaha si ay ugu guuleystaan shahaadadan hal-beegyo aad u tiro badan oo gaadhaya ilaa 300 kuwaas oo isugu jira hal-beegyada tayada adeeg bixinta, ilaashanaanta hantida iyo xogta macaamiisha, dabaqaadda shuruucda maaliyadda, maamulida khataraha iyo heerka technology-ga loo isticmaalayo maaraynta nidaamka lacagaha mobile-ka la isugu dirayo.

Telesom oo ah shirkadda ugu balaadhan isgaadhsiinta iyo adeegyada maaliyadeed ee mobile-ku waxay Somaliland ka bilawday adeegga ZAAD sanadkii 2009 ilaa waqtigaana waxay dadaal dheer ugu jirtay horumarinta hab-maaliyadeedka bulshada, maantana waxay ku faraxsan tahay una dabaal-dagaysaa inay ku guulaysatay shahaadaddaas caalamiga ah isla markaana ay foolaad u tahay shirkadaha dalka iyo kuwa geeska ee bixiya adeegyada mobile money.

Xafladda dabaal-degga hanashada shahaadda iyo aqoonsiga caalamiga ah ee adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom ayaa waxay ka qabsoontay magaalada Hargaisa, Hotel Ambassador, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Tignoolajiyadda iyo Isgaadhsiinta; Dr. Axmed Yuusuf Idiris, Guddoomiyaha Baanka Dhexe; Dr. Cali Cabdillaahi Daahir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiirska; Mudane Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, Madaxda Safaaradaha dalka daggan, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, ganacsato, culimo, aqoonyahan, haween iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu dambayn, shirkadda Telesom waxay ku qanacsan tahay in hanashada shahaadadan caalamiga ahi ay dalka u suurto galin doonto aqoonsi caalami ah oo horseed u noqon doona in ay shirkadaha dunidu si fudud ula macaamili doonaan dalka, maadaama ay kor u sii qaadayso sumcada, amaanada iyo kalsoonida tayada adeegga ZAAD ee udub dhaxaadka u ah hababka maaliyadda, xawilaadaha lacagaha iyo maamulka lacagaha ee bulshadu ku tiirsan tahay. Shirkadda Telesom waxay uga mahadnaqaysa dawladda, shaqaalaha shirkadda iyo macaamiisha-ba sidii ay ugu barbar istaagaann horumar kasta oo ay ku tallaabsanayso.