WAR-MURTIYEED: Daahfurka Adeegga Waafi MasterCard

HARGEYSA – (WARSOOR) – Bangiga Dara Salaam iyo Shirkadda caalamiga ah ee Master Card waxa farxad u ah in ay bulshada u daah-furaan adeegga ay iska kaashadeen ee Waafi Digital Master Card kaas oo ah in markii ugu horraysay dalkeena la keenay hayaanka tignoolajiyadda maaliyadda (Financial Innovative Solutions) iyo faca cusub ee Cards-ka ee loo yaqaan Digital First si bulshadeena loogu fududeeyo inay si fudud lacagtoodii dunida ugaga mucaamili karaan.

Adeegga Digital Mastercard-ku waxa u caan ku yahay adeegsiga hababka ugu sarreeya ee lagu sugo amniga maaliyadeed ee isticmaalayaasha cards-ka, sida: tokenization iyo biometric authentications iyo inuu si fudud ula bahoobo adeegyada maaliyadeed ee digital-ka sida iminkaba uu ula xidhmay App-ka Waafi oo u sahlaya in macaamiishu lacagtoodii Bangiga iyo ZAAD ugu jirtay ay ugu adeegsan karaan Mastercard-ka una heli karaan hawl fudaydin (Convenience). Kuma koobna arimahaas oo kaliya balse waxa uu bulshada u soo kordhin doonaa inay dalka iyo dunidaba kaga adeegtaan habab horumarsan sida: Taabsii oo Bixi ama Tap & Go using NFC –contactless payments marka ay wax kaga iibsanayaa ganacsiyada leh POS-yada ama ay lacagtooda kala baxayaan ATM-yada.

Xafladda daahfurka adeegga Waafi MasterCard ayaa ka qabsoontay Hotel Ambassador ee magaalada Hargaisa, waxaana goob joog ka ahaa marti sharaf aad u heersaraysa oo ay kamid ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Maaliyadda, Waxbarashada & Science-ka, Maalgashiga & Warshadaha, Deegaanka & Isbedelka Cimilada, Guddoonka iyo madaxda Bank Dhexe, Madaxda Rugta Ganacsiga, Ururka Bangiyada, Madaxda Ururada Haweenka, Madaxda Jaamacaha, Culimo, Aqoonyahan, Ganacsato iyo wafti ka socda shirkadda Mastercard

Bangiga Dara Salaam waxa uu aaminsan yahay in daahfurka adeegyada Mastercard ayna kaliya kobcin doonin nolosha shakhsiyaadka, balse ay sidoo kale ka qayb qaadan doonto kobaca dhaqaalaha iyo hal-abuurka qaybaha kala duwan ee bulshada, ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada maadaama uu isku xidhi doono dhaqaalihii dalka iyo dunida inteeda kale.

Ugu dambayn, waxaanu halkan ugaga bushaaraynaynaa dhammaan bulshada in ay hadda laga bilaabo gacantooda ku furan karaan adeegga Waafi Mastercard, kaliya ay u baahan yihiin inay Waafi App la soo dagaan. Sidoo kale, ciddii sidoo kale u baahan master card-ka lafta ah ama Physical Card waxay ka helaysaa xarumaha Bangiga oo dhan.