Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa caawa u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud in uu noqdo wasiirk arrimaha dibada ee Soomaaliya, ka dib markii uu is casilay sida ay xoguhu cadeynayaan wasiirkii arrimaha dibada Ambasador Axmed Ciise Cawad.
Wasiirka cusub ayaa ah nin aan ku cusbeyn arrimaha siyaasadda gudaha ee Soomaaliya & tan xariirka calamiga ah, wuxuuna 15kii sanno ee u dambeysay ka shaqeynayay arrimaha siyaasadda gudaha iyo xariirada caalamka, sida aan ka ogaanay qoraal kooban oo ah taariikh nololeedkiisa.
Bishii August 2017-kii ayaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Doorashooyika & Dimuquraadiyadda, laakiin meel uu iska casilay lama sheegin.
Wasiirka cusub aabihiis Cabdirisaaq Maxamuud ayaa 15 sanno in ka badan soo ahaa Wasiir katirsanaa Xukuumaddii Milateriga ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo jeeday gobalka Mudug, waxaana si weyn loogu xasuustaa Ole-Olihii Reer miyiga ee Afka Soomaaliga, oo ay Hay’addo caalami ah abaalmarin kusiiyeen.
Maxamed wuxuu dhashay 1968-dii, isagoo ku dhashay magaalada Muqdisho, sannooyinkii u dambeeyey wuxuu la shaqeeyey Qaramada Midowbay, gaar ahaana Xaafiiska Siyaasadda ayuu ka ahaa Lataliye sare oo ka hoos shaqeynayay ergaygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Augustino Mahiga xiligii dalka uu ka baxayay KMG-nimada.
Sidaas oo kale Dawladdii KMG ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf ayuu mudo kooban wasiirka cusub kasoo noqday Agaasimaha Madaxtooyada, ka horna wuxuu u shaqeeyey Hay’adda Horumarinta Qaramada Midowbay ee UNDP.
Sannadkii 2017-kii, ayuu ka mid noqday musharaxiintii iskugu soo taagay jagada Madaxweyne-nimada ee Soomaaliya, isagoo ku guuldareystay in uu codad ka helo hoolka baarlamaanka, balse imanshihiisa waqtigan ee Kursiga ayaa loo arkaa fursad cusub oo Xildhibaanimo uga raadinayo beeshiisa.
Wasiirka cusub ayaa mudooyinkii u dambeeyey kala shaqeynayay dawladda Faderaalka arrimaha Dimuquraadiyadda & Doorashooyinka, waxaana bilowgii bishii September looga yeeray Villa Somalia, si looga mid dhigo Guddiga doorashooyinka Dad-ban balse wuu ka cududaartay, ka dibna uu raadiyey jagadan caawa loo magacaabay.
Saami ahaan wuxuu golaha wasiiradda ku matali doonaa Puntland, waxaana aan la aqoon sida uu saameyn ugu yeelan karro siyaasadda gudaha ee Puntland oo xiligan xasasiga ah doonaysa in ay faragalin ku yeelato arrimaha siyaasadda ee Muqdisho.