UK – (WARSOOR) – Raysal wasaaraha ingiriiska Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay wada shaqayn dhex marta UK, Talyaaniga iyo Japan si ay u samaystaan diyaarad dagaal oo adeegsan doonta qalabka xog-doonka macmalka ah ee afka qalaad lagu dhoho (Artficial Intelligence).
Raysal wasaare Sunak ayaa sheegay in dadaalkan wada jirka ah looga gol leeyahay sidii loo samayn lahaa kumanaan shaqo iyo adkaynta xiriirka amni ee wadamadan.
Wadamadu waxay samayn doonaan diyaarad dagaal oo jilka uga dambeeyey ah – oo hawl gali doonta badhtamaha sannadka 2030 – taaas oo ugu damabayn badali doonta diyaaradda Typhoon.
Waxaa la filayaa in diyaaradani ay xambaari doonto gantaalada hubka ee ugu dambeeyay.
Mudane Sunak ayaa sheegay in wada shaqaynatani ay “ka nabad galin doonto dalka halisaha cusub ee aan wajahaynno” mar uu Jimcihii booqday xarunta ciidamada cirka ee boqortooyada RAF Coningsby oo ku taal gobolka Lincolnshire.
Waxuu yiri “Waxaynu ka mid nahay dawladaha aduunka ee awoodda u leh inay sameeyaan diyaarad dagaal oo ku dhisan teknolojiyadii u dambaysay.”
Shaqada samaynteeda mar horeba waa la bilaabay – ayadoo ujeedadu tahay in la sameeyo diyaarad dagaal oo leh xawli qarsoon, oo adeegsanaysa dareen qaadayaal horumarsan iyo qalabka xog-doonka macmalka ah ee afka qalaad lagu dhoho (Artficial Intelligence). Si ay u caawiso duuliyeyaasha marka laga awood badiyo, ama ay galaan xaalad cadaadis oo daran.
Waxaana la duulin karaa bayloodka la’aantiis hadii loo baahdo waxay waliba gani kartaa gantaallaha hypersonic-ga loo yaqaan.
Balse samaynta diyaarad sidas u adag waxay ku kacaysaa qarash aad u badan – samayntii diyaaradda dagaal ee maraykanka F-35 waxay ahayd mashruucii abid ugu qaalisanaa ee Pentagon-ku sameeyo – saas darteed ayey Britain u raadinaysaa xulafo la samaysa diyaaraddan.
Talyanigu awalba diyaarbuu ahaa, kusoo darista Japan-na waa shaqa la taaban karo – xilli Britain ay dhisayso xiriir wanaagsan oo kala dhexeeya xulafooyinka saaran badaha hindiya iyo pasifiga iyadoo Britain ka walwalsan tahay is muujinta badan ee shiinaha.
Wadamda kale wali way kusoo biiri karaan barnaamijka. faransiiska, Jarmalka iyo Spain waxay ayagu ka wada shaqaynayeen naqshad u gaar ah oo diyaarad dagaal – si lamid ah maraykanka asna gaarkiisa ayuu ugu hawlanyahay soo saarka diyaarado u gaar ah.
Heshiiskani UK uma aha oo kali ah mid amni ee sidoo kale wuxuu u yahay mid dhaqaale.Rajada ayaa ah in samaynta diyaarad cusub ay u samayn doonto UK kumanaan shaqooyin waara iyo inay albaabada u furto hub la iib geeyo oo badan. Ka hor inta aanu booqanin Saldhigga ciidamada cirka ee Conningsby, Mr Sunak ayaa yiri ” Aminga boqortooyada ingiriisku maanta iyo mustaqbalkaba muhiimad gooni ah ayuu u leeyahay dawladdan.
“Taasi waa sababta aynu ugu baahannahay inaan mar walba horumarinno teknoolajiyada difaaca – inaga oo ka sare maraynna kana hor maraynna kuwa doonaya inay dhibaato ina gaarsiiyaan.”
“Heshiiskan caalamiga ah ee an ku dhawaaqnay maanta kaas oo aynu la galnay Talyaaniga iyo Japan qasadkiisu waa inuu shaqadaas qabto, asiga oo hoosta ka xariiqaya in amniga gobolada Euro-Atlantic iyo Indo-pasific ay ahaadaan mid aan kala qaybsanayn.
“Diyaaradda jiilka xiga ee aynu samaynayno way ina ilaalinaysaa inaga iyo xulafadeena caalamka oo dhan, inaga oo ka shaqaynayna warshadaheenna difaaca ee aduunka ka hormaray – inaga oo shaqooyin abuuraynna isla markaana nafaha badbaadinaynna.
“Wasiiradu waa inay cadeeyaan sida arrintani ay ula hawl galayso qorshaha guud ee mustaqbalka ciidamada cirka (RAF), oo ay ka mid yihiin sida ay uga hortagi lahaayeen dib dhac ku yimaad tababarrada duuliyeyaasha degdegga,” ayuu yiri.