Uganda: Sagaal qof oo ku dhintay xaflad loogu dabaaldegayey sannadka cusub

KAMPALA – (WARSOOR) – Booliska dalka Ugandha ayaa baadhaya sababta keentay, dad u dhintay isbuurasho ka dhacday xafladihii lagu soo dhoweynayey sannadka cusub ee 2023 ee ka dhacday caasimadda dalkaas ee Kampala.

Ugu yaraan sagaal qof oo ay ku jiraan caruur ayaa dhimatay, ka dib markii ay isjiidheen dadweynihii ka qaybgelayey xafladaha loogu dabaaldegayo sannadka cusub.

Isbuurashadan dhimashada keentay ayaa ka dhacday barxadda hore ee suuqa laga dukaamaysto ee Freedom City Mall, kaas oo martigelinayey xafladda sannadka cusub. Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka, markii ay saacaddu maraysay 12 habeenimo, ayaa mid ka mida maamulka xafladdu wuxuu u sheegay dadweynaha inay u baxaan debedda si ay u soo daawadaan dabridka ama rashka loogu dabaaldegayo sannadka cusub.

Lucas Owoyesigyire oo ah ku xigeenka afhayeenka booliska ee magaalada Kampala ayaa sheegay, in ka dib markii uu bandhigu dhamaaday, in dadkii ay is jiidheen, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Malaayiin reer Ugandha ah ayaa si la mida dalalka kale ee caalamka, waxay qabsadeen xaflado ay ugu dabaaldegayaan sannadka cusub ee 2023, iyada oo noqonayso markii ugu horraysay ee sannadka cusub lagu soo dhoweeyo xaflado waaweyn, tan iyo markii uu bilaabmay xanuunkii safmarka ahaa ee COVID19.

Malaayiin reer Uganda ah ayaa ku biiray adduunka intiisa kale si ay u curyaamiyaan sanadka cusub ee 2023, waana markii ugu horeysay ee sanadka cusub lagu soo dhaweeyo xaflado waaweyn kadib laba sano ka dib COVID-19.