Turkiga oo Bilaabey Hawlgalka ka Dhanka ah Ajaaniibta

Turkiga – (WARSOOR) – Xukuumadda Turkiga ee uu hogaamiye Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan dib ayaa bilowday hawlgallo ballaadhan oo uu wax kaga qabanayo dhibaatooyinka soo galootiga ee ragaadiyay dalkaasi muddo sannado ah.

Iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka soo galootiga ah ee magan-gelyo doonka ah ee dalkiisa ku sugan, Turkiga ayaa dhaqan-geliyay siyaasad lagu tarxiili karo dadka ajanabiga ah, taasi oo jawaabo kala duwan ay ka bixiyeen bulshada gudaha iyo tan dibadda ee uu dhashay dalka Turkiga.

Kaddib markii uu ka soo laabtay shirkii NATO ee ka dhacay Lithuania, Madaxweyne Erdogan iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa ku baaqay in la joogo wakhtigii Turkigu qiimayn ku samayn lahaa dadka magangelyo doonka ah iyo guud ahaan ajaaniibta ku nool Turkiga.

Hadalka Erdogan ayaa xoojiyay dareenka guud ee dadka dalkaasi oo iyagu si weyn ula dhacsanaa xakameynta dadka soogalootiga ah.