“Adeega ZAAD oo Noqoday Ganacsadihii Ugu Deeqdda BadanaaTaakuleynta Abaaraha”
Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta taarikhdu tahay 07/01/2017 deeq lacageed ugu deeqday gudiga taakulaynta abaaraha ee heer qaran, si wax loogaga qabto abaaraha baahsan ee ka jira guud ahaan Somaliland, deeqdaasi oo ahayd tii ugu badnayd ee lagu wareejiyo gudiga abaaraha, waxay dhameyd 500,000.00 usd (shan boqol oo kun oo dollar).
Munaasibadda lagu wareejinaayey deeqdan waxaa ka soo qayb galay, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aaden, Wasasiirka W. Ganacsiga Dr. Cumar Shucayb, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil Cabdilaahi, Gudoomiyaha ruggta ganacsiga, madaxda Shirkadaha Telesom iyo xubnaha Guddiga Abaaraha Heer Qaran ee Somaliland.
Haddaba, xafladdan deeqda lagu wareejineyey ugu horayn waxa ka hadlay Guddoomiyaha shirkadaha Telesom Group Mudane CABDIKARIN MAXAMED EID hadaladiisina waxa kamid ahaa:
“Waad ogtihiin dalka ilaa sanadkii hore in duruufo abaareed oo ba’ani ay ka jireen, waxaana dhamaanteen waajib inagu ah in walaalaheena tabaalaysan in aynu u gargaarno, iyadoo taasi aanu ka duulayno shirkad ahaan ayaanu muddo ka tashanayney madaxda gobolada iyo shaqaale waynaha shirkadaba, taladii waxay ku soo uruurtey, in abaarta ilaahay (swt) isagaa ummadda uun ka kaafiyi karo, oo ka soo jebin kara. Haddana wixii taagta shirkad ahaan, shaqaalo ahaan iyo masuuliyad ahaan na saaran waa inaanu kaga qayb qaadano, anaga oo ah Shirkaddaha Telesom Group ( TELESOM, DARASALAM BANK, SOMGAS, iyo shirkada laydhka ee TEC) iyo shaqaale waynahooda, in muddo saddex bilood ah shaqaaluhu mushaharkooda uu qaybo ka mida u jaro dadka walaalahooda ee abaartu tabaalaysay, madaxda shirkadaha, Saamlilyeda iyo shirkaduba ay wax ku daraan, taas oo markii aanu isku gaynay noqotey lacag dhan (Shan boqol oo kun oo doolar-500,000.00 USD). Waxan ognahay runtii inay noqonayso dhibic bad ku dhacday, laakin waxan isleenahay ha noqoto dhibicda ugu khayr badan ishaa allaah, ilaahay baa ka dhigi doona. Waxaan halkan ka odhan lahaa kalmad dardaaran ah madaxda iyo shaqaalo waynaha shirkada in ay si dhaw ula socdaan dadkaa walaalahooda ee tabaalaysan, goob walba oo ay joogaana ugu naxariistaan, lacagtii ay soo bixiyeena ishaa allaah sidii loogu talay galay meel walbaba wixii ay ka gaadhi karto loo gaadhsiin doono”.
Waxa isaguna ka hadlay Gudoomiye ku xigeen Gudiga Abaaaraha Heer Qaran ee Somaliland Sheekh Xasan Cabdisalaan Sheekh cali, “Ilaahay ayaa marka hore u mahadnaqaynaa , mar labaadka waxay u mahadnaqaynaa shirkadaha TELESOM GROUP, mahadnaqa Aynu shirkada telesom u mahdanaqaynaa waa mid ay mutaysteen, waxanan leenahay jazaa kalaahu khayr, Waa sunne wanaagsan iyo hormoodnimo ay Telesom leedahay, deeqdaas ay Telesom maanta bixisay waa deeq miisaan leh oo culeys badan leh, waana deeqihii ay dawladuhu bixin jireen”.
Waxa kale oo iyaduna ka hadashay deeqdaas ay shirkada Telesom Groupku wareejinaysay gudiga abaaraha heer qaran Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL Marwo Samsam Cabdi Aaden waxana hadaladeedii ka mid ahaa, “Runtii Telesom waxay la leedahay dareen dhaw ummadda reer Somaliland, iyada oo la qaybsata duruufaha kala duwan ee dadkeenu ku jiraan runtii wax badan oo aan ahayn lacagta maanta ayay umadda u hayaan oo ay ugu horayso Isgaadhsiinta oo ah waxa ay maanta dad badan oo abaartaasi saamaysay ku badbaadeen, iyaga oo la xidhiidhaya dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, dadku inay dadkoodii la hadlaan oo caafimaad qabkooda iyo waxay u baahan yihiin u sheegaan runtii markaa wax wayn bay ka tartey”.
“Tan aad maanta keenteena waa tu aad iyo aad inoo tusaysa in TELESOM Group naxariis dhaw u leedahay dadka Somaliland, waayo shirkad maanta 500,000 oo dollar bixisay oo markii horena ka qayb gashay runtii ma jirto oo aan Telesom ahayn, markaa aad iyo aad ayaan idinku mahadnaqaynaa aad baanan idinku amaanaynaa waanan idinka gudooney, runtiin waxanu jecelahay inaad nala qabataan hawsha, oo aad ogaataan dhibaatada jirta iyo markaad meel wax gayso sidey u adag tahay, waxan idinku amaanaynaa oo aan idinku mahadnaqaynaa in halkaad ka soo saarteen alle wax khayr qaba idinku badallo”.
Wasiir Samsam ayaa intaasi ku dartay, “Tan aad maanta keenteena waa tu aad iyo aad inoo tusaysa in TELESOM Group Naxariis dhaw u leedahay dadka Somaliland, waayo shirkad maanta 500,000 oo dollar bixisay oo markii horena ka qayb gashay runtii ma jirto oo aan Telesom ahayn. Markaa aad iyo aad ayaan idinku mahadnaqaynaa aad baanan idinku amaanaynaa waanan idinka gudooney, runtiin waxaanu jecelahay inaad nala qabataan hawsha , oo aad ogaataan dhibaatada jirta iyo markaad meel wax gayso sidey u adag tahay. Waxaan idinku amaanaynaa oo aan idinku mahadnaqaynaa in halkaad ka soo saarteen alle wax khayr qaba idinku badallo”.
Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shukri waxa hadalkiisa ka mid ahaa, ” Waa deeqdii ugu waynay ee ay cidi bixiso marka laga reebo dawladeena , waa meelihii ay diinteenu banaysay in lagu beratemo, waxaan filayaa in ganacsatadeena kale sida caadadu ahaan jirtey in dareenkaa telesom oo kale xambaarsan yihiin, waxaan ogsoonahay shirkada Telesom waxay ka mid tahay shirkada ugu balaadhan tuulo walba way joogtaa degmo walba way joogtaa, gobol walbana way joogtaa, baahiduna meel walba way taalaa”.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sh. Khaliil Abdillaahi salaam iyo mahadnaq kadib waxa uu wasiirku sheegay In ay deeqdan tahay tii ugu waynady ee ganacsato bixiso intii aynu ku jirnay hawlaha abaaraha, “Waxana weeyaan dareen qiimo leh oo ay shirkaddu inoogu yeedhay in aan ka gudoono, waxana uu wasiirku sheegay in ay xaqiiqtahay in sadaqadaasi ay gaadhi doonto dadkii loogu talogalay inta karaankooda ah, idinkuna aad goob joog ka ahaan doontaan laamihiina haday tahay iyo tiimka faraha badan ee ka shaqeynayaba tahay, runti sadaqadani waa ta la muujiyo waana tii nabigu sheegay (SCW) ee maanta ku haboon in aynu muujino waayo sadaqadda marna waa la qariyaa marna waa la muujiya, ilaahayba inoo tilmaamay sadaqadda hadii aad muujinaysaan, wax mararka qaar kood mudan in la muujiyo, waayo ku dayasho ayay mudan tahay oo waa lagu daynayaa, musataqbalka umadeenu inuu fiican yahay oo khayer badani inuu ku hadhay ayay tilmaamaysaa. Hadaynu runtii is kaashano, oo qofkastaa intuu bixin karayo uu bixiyo marka aynu isku darno mujmiicisu wax wayn ayuu tarayaa, dadkeenana waan kaaftoomin karaynaa. Markaa dhiirigalintaa aad dadkiina dhiirigaliseena waan idinku mahadnaqynaa, ilaahayna waxan idinka baraynaa halkaad ka soo saarteen in badel khayr qaba idiin galiyo. Waana xaqiiq in ilaahay inuu idiin badelayo, oo ilaahay ayaa inoo sheeg in sadaqadda marka aynu bixin in ilaahay soo badeyo, waana ku mahadsan tihiin gudoon fiicana ayaanu idin leenahay”.
Waxa isaguna goobta ka hadlay Cabdilaahi Baaruud oo kamid ah saamileyda shirkada TELESOM, hadaladiisiina waxa ka mid ah, “Anigoo ku hadlaaya magaca saamilayda shirkadda Telesom group waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay waxbixinta aad bixiseen ee qadarka lacagta intaas leeg, haddanu nahay saamileyda waxaanu bixiney waa wax naga sii horeeya, saddaqadna noo ah, taas oo aanu horena u bixin jirney, waxa xasuusin muddan inanka ZAAD la yidhaa hadaanu jirin abaaraha waxba la isma gaadhsiiyeen, ilaahay inankaa ZAAD ha barakeeyo”.
Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Cumar Shucayb oo ka hadlay goobta deeqda lagu wareejinayay, hadaladiisa waxa ka mid ahaa, “Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa shirkada Telesom oo noogu yeedhay taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen. Shirkada Telesom abaartuun kuma koobna waxay ka qayb qaadataa Adeegyada kale oo bulshadu u baahan tahay, waana wax ku dayasho mudan, anigu hadaan ahay wasiirka ganacsiga waxyaabaha aan eego waxa kamid shaqaalaysiinta, taasna shirkada Telesom qayb wayn ayay ka tahay shaqaalaysiinta, waanan ku hambalyeenayaa”.
Gudoomiyaha ku xigeenka fulinta ee shirkada Telesom mudane Faarax Sugaal oo xaflada deeqda lagu gudoonsiineyey guddiga abaaraha ka hadlay waxaa hadalkiis ka mid ahaa, “Shaqaalaha TELESOM GROUP maaha markii ugu horeysay ee ay wax bixiyaan, waa dhaqanka wanaagsan ee ay shirkadda dhexdeeda ka barteen, oo ay ku tababarteen. Maaliyada ay shirkadu bixinayso shaqaaluhu qayb libaax ayay ka qaateen, ama ha joogaan gobolada ama ha jogaan Hargeysa, somalidu waxay ku maahmaahdaa maanta oo kale markay tanoo kale dhacdo ‘Ninkii wax hayaa ama wuu ku ceeboowaa, ama wuu ku caydhoobaa’ haddaanu nahay shaqaalo waynaha shirkada Telesom waxanu istusnay inaanan ku caydhoobayn wax bixintaa waxna aanay na yeelayn. Arintan waxa hormuud ka ahaa odayaasha board-ka, waxaan iyaguna waafaqay odayaasha ka hooseya, waxan iyaguna qayb ka ahaa madaxda laamaha iyo qaybaha, waanu isla wadda aqbalnay shaqaalo waynihiina wuu nala qaatey, arintan waxan ugu baaqaynaa iyana shirkadaha kale ee nala midka ah, iyagoo hore u bixiyey oo laba jeer iyo sadex jeerba bixiyey, waxaan leenahay dhibaatadii ma dhamaan hadaabey soo xoogaysanaysaa, abaarta haddii alle inaga soo furanin haddey kow tahay”.
Sheekh maxamed Aaden oo iska ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay ayaa yidhi “Runtii waxa aad halkan looga dhawaajiyey in shirkada Telesom inoo yeedhay, lacagtii ay bixin lahaayeen ganacsatadu bixin lahayd tii u badnayd ay maanta shirkada Telesom bixisey, abaartii hore markii ganacsatada u yeedhnay ee aanu wax ka qaadney, ee wixii aanu markii hore ka uruurinay naga dhamaadeen mar labaadkii shirkadda Telesom ayaa ahayd cidii noo bilawday ee anaga oo aan u yeedhin mar labaad noogu deeqday, maantana waxa idiin muuqata sida ay nooga farxiyeen oo anaga oo jeebkayagii gegebo marayo inta ay noo yeedheen oo xafiiskoodii noogu yeedheen ay noogu deeqeen lacagtii ugu badnayn ee Ganasato bixiso. Allah ayaan uga baryaynaa inuu u barakeeyo, dhinaca kale waxaan hore u sheegay maantana aan ku celinayaa Lacagihii ay ganacsatadu na siiyeen marka lagu daro Telesom oo la isu wada geeyey waxa ka lacag badnaa Lacagta uu nasiiyey Ganacsadaha ZAAD oo aanu u aqoonsanay inuu yahay Ganacsade aan habeen iyo maalinba naga gacan madhnayn meel kastana nala jooga”.