BURCO – (WARSOOR) – Isu duwaha wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha gobolka Togdheer Kayse Yuusuf Cilmi ayaa ka warbixiyey xiliga ay bilaabmayaan tartan ciyaareedyada kooxaha heerka labaad ee magaaladda Burco.
Waxa uu sidoo kale ka warbixiyey isu duwuhu isbedelka ku dhacay garoonka kubadda cagta ee magaaaladda Burco oo ay dib u dhis iyo dhigista rooga cagaaranba ka fulisay xukuumadda Somaliland.
Waxaanu Isu duwuhu tilmaamay in dhigista Roogani ay wax weyn ka bedeshay bilicda garoonka iyo hamiga dhalinyaradda ku ciyaarta garoonkaasi, waxaanu isu duwuhu sheegay in ay wadaan kala saarista kooxaha oo ay u kala saarayaan heerar kala duwan.
Tartanka koobaha heerka labaadย ee gobolka Togdheer ayuu sheegay isu duwuhu in ayย bishan gudaheeda qabanayaan, isla markaana ay waqtigan wadaan diwaangelinta kooxahaย iyo qaban qaabinta furitaanka tartankaasi.
Halkan ka daawo warkan: