Hargeysa – (warsoor) – Taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa ka warbixiyey dil xalay ka dhacay magaalaada Hargeysa.
Dilkaasi oo ka dhacay xaafadda Qoob-dameeraad ee magaaladda Hargeysa, Xalay cabaaro 7:30 fiidnimo, waxaa dilkaasi loo adeegsaday middi. Gacan ku dhiiglaha falkan geystay oo lagu magacaabo Mustafe Sheekh Maxamed Faarax oo da’iisa lagu qiyaasay 50 jir. Marxuunka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Wayd (Cadaani).
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sameeyey hawl-gal ay ku baadi goobayaa gacan ku dhiiglaha, waxanay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii 9:30 habeenimo.

Taliye Fooxle ayaa ciidamada booliska ee hawl-galkaasi fuliyey ku amaanay sida degdega ah ee ay uga hawl-galeen falkaasi, gacantana ugu soo dhigeen dambiilihi.