Taliyaha Ciidamada Milatariga Itoobiya Oo Hada La Hadlay Warbaahinta

Itoobiya – (warsoor) – Taliyaha ciiddamada Milatariga Itoobiya, Birhanu Jula oo ka hadlayay munaasabad ciddamada lagu taagerayay ayaa arrimo baddan ka dhawaajiya.

Taliyaha ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo falaagada qoomiya Togeeega, haddaladiisiina waxaa ka mid ahaa:-

B) Dagaalku intuusan bilaabin faankooda iyo hanjabadaha kasoo yeedhayay, waxaan islahayn tollow ma Nukliyer ayay haystaan, kooxaha Nukliyerka xitaa ku hubbaysan siddaas umma faanaan.

T) Ficilada TPLF ay sameeysey ee bahal’nimada ah kamaanu filaynin, haddii ay jirto cid qiyaasi kartay wixii ay sameeyeen kaliya faalliye(Sixiroole) umbay noqon karaan.
J) Dagaalku markuu xaq yahay waad guulaysan, haddusan ahayna waa laggaa guulaysan. Maaddama uu dagaaku xaq ahaa waanu guulaysanay.

X) Labba toddobaad ayaan ku jabbinay diyaar garowgoodii labbada sanno.
KH) Kuwii dalka soo maamulay ee xilalka ka qabtay ayaa heer deegaan u daadagay, haddana waxay u dhaadhaceen ilaa heer Xisbi hoose. Kuwii siddaad ogaydeen u faanayay gaadiidkii intay ka dageen ayay lug miciinsadeen, waxaan baadi goobeynaa kuwii gaadidka ka degay ee lugta miciinsaday.

D) Dagaalka waxaa ku guulaysanay maalintaan Mekelle qabsanay.
R) Ciddamada waqooyi waxay shacabka Tigreega u qabteen cidna umma qabban. Lacagaha ciddanka loo qabto qandarasyo ayay ku qaadan jireen, wayna ka taajireen, ciiddanka lacago dherada ayaa laga jari jiray, waxaana lagu dhisi jiray dugsiyo. Shaqooyin baddan oo aan la qiyaasi karin ayay qabban jirreen.

S) Faankii iyo hanjabaadoodii afka labba toddobaad lama hayo. Hadda Tiifigii iyo idaacada lagasoo baalo xooftay-nayay majiraan.

Wariye: Cabdiqaadir Maxamed