Tahriibayaasha soo galaya Mareykanka oo hoos u dhacay

WASHINGTON — (WARSOOR) – Tan iyo bishii May, xilligaas oo ay dowladda Mareykanku soo saartay sharci xaddidaya qulqulka tahriibayaasha dalkeeda kusoo jabay, ayaa waxaa isi soo taraya qeylo dhaanta ka imaneysa muhaajiriinta soo buux-dhaafiyay soohdinta uu la wadaago Mexico, kuwaas oo doonaya in loo oggolaado inay Mareykanka soo galaan.

Dowladda Mareykanka ayaa ku celisay in xuduudkeedu uu ka xiran yahay tahriibayaasha iyada oo uga digtay in ay dhageystaan beenta Mukhallasiinta.