Nairobi – (WARSOOR) – Wasiirada arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac, Gaashaandhigga mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo amniga Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa dhigooda dalka Kenya kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Kulankaas ayaa looga hadlay fududaynta isku socodka bulshada labada dhinac, ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada, waxaana labada dowladood ku heshiiyeen qodobo dhawr ah.
โWaxaan ku heshiinay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas Kaambooni iyo Kiungaโ ayuu yiri wasiirka amniga gudaha mudane Doodishe.
Sidoo kale labada dowladood ayaa ka wada hadlay dalkugalka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taas oo sare u qaadaysa isku socodka bulshada labada dhinac iyo dhaqaalaha, waxaana laga gaaray isafgarad buuxa.
โWaxaa kale oo aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ahโ ayuu yiri wasiir Doodishe.