Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay War-saxaafadeedyo ay si wadda jir ah u soo saareen xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobey.
War-saxaafadeedyadda oo meel ka dhac ku ahaa qaramadda midoobey. Walaacan ayaa lagu muujiyey warsaxaadeed ay soo saartay wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:

“WAR-SAXAAFADEED
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay war-saxaafadeedyo xilliyo kala duwan ay si wadajir ah u soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), iyo daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya. War-saxaafadeedyada ku kala taariikhaysan 28 January 2020 iyo 25 February 2020 waxa laga ga hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxa lagu xusay wax loogu yeedhay โโNidaamka Xulista Qoondada Kuraasta Somalilandโโ.
Somaliland waxa ay hormuud u tahay dimuqraadiyadda Geeska Africa. Waxa marar badan Somaliland ka qabsoomay doorashooyin ay goobjoogayaal caalamka daafihiisa ka kala yimid ka markhaati kaceen in ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.
Dawladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashoooyinka Soomaaliya uga digaysaa in ay ku xad gudbaan Madaxbannaanida iyo Qarannimadda Somaliland. War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa tallaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyadda Somaliland.
Ugu dambayn, Dawladda Soomaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsan tahay in isku-day kasta oo arrintan la xidhiidhaa ay gobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni.”