Siihayaha Wasiirka Maaliyada XFS oo kulan la qaatay madaxda Bangiga Hormarinta islaamka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Siihayaha Wasiirka wasaarada maaliyada XFS mudane Abdirahman Ducal e  Beileh ayaa kulan dhanka aalada fogaan arag ah la qaatay madaxda Bangiga Horumarint Islaamka aya kawada hadalay dar dargalinta arimaha dhanka taageerida uu Bangiga  siiyo soomaaliya

Masuliyinta ayaa isla soo qaaday sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo kaalinta madaxda Bangiga Islaamka uu ku leyahay taageerida soomaaliya sidii loo xoojin lahaa.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo aan ka wada hadalnay sii xoojinta taageerada Bangiga uu siiyo Soomaaliya”, sida waxa bartiisa fecboka ku soo qoray beileh