Hargeysa – (warsoor) -Xaflad aad u ballaadhan oo looggu dabbaal-degaayey shir-weynahii garabka haweenka ee Xisbiga WADDANI wadanka Mareykanka, ayaa xalay ka dhacday magaalada Minisota ee dalkaasi USA.
Kulankan oo aad u ballaadhnaa isla mar ahaantaana ay ka soo qeyb-galeen guddoomiyaha Xisbiga ee wadanka USA, madaxda laamaha iyo weli ba sida oo kale haween weynaha ku nool wadankaasi ee taageeraha u ah Xisbiga WADDANI, ayaa loogga hadlay arrimo aad u muhiim ugu ah haweenka iyo siyaasadda Xisbiga WADDANI uu ka lee yahay, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin Xisbiga WADDANI uu haweenka siiyey kooto dhan 30% oo u xidhan haweenka.
DAAWO, Xafladdii halkaas ka dhacday iyo khudbadahii laga jeediyey.