Shirweynaha Qaran ee Xisbiga Jamhuuriga oo la soo geba-gebeeyey

MILWAUKEE – (WARSOOR) – Shirweynihii Qaran ee Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa habeenkii xalay ahaa lagu soo geba-gebeeyey khudbad uu jeediyey madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, isaga oo rasmi ah loogu caleemo saaray inuu noqdo tartamaha xilka madaxtinimo ee doorashada bisha November.

Maalmihii hore ee uu shirku socday, Trump waxa uu ka mid ahaa dhageystayaasha, hase yeeshee xalay ayaa ahayd markii ugu horreysay uu hadlo illaa markii la bartilmaameedsaday Sabtidii hore.