Shirwaynihii 4-aad ee Xisbiga Kulmiye Oo Si Rasmi ah u Furmay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna guddoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirweynaha afraad ee xisbiga kulmiye, kaas oo ka qayb galeen kun boqol iyo laba iyo labaatan Ergey kana furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Waxaana furitaanka shirweynaha afraad ee xisbiga kulmiye ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirgudoonka golayaasha baarlamanka Somaliland, xildhibaano ka kala tirsan golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, taliyeyaasha ciidamada qaranka ee kala duwan, saraakiil ka tirsan xisbiyada qaranka, safiirada dalalka Taiwan iyo Jabuuti u fadhiya Somaliland, wefti ka socday deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirkaas.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyihii guddida qaban qaabada shirweynaha afraad ee xisbiga kulmiye Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo sheegay in guddidaasi ay shaqeynaysay muddo sideed bilood ah inkasta oo ay si joogto ah u shaqeynasay saddexdii bilood ee u dambeeyey, wuxuuna u mahad celiyey guud ahaan dadkii ka qayb qaatay qabsoomida shirkaas, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnihii guddida qaban qaabada.

Guddoomiyaha guddidaasi waxa uu madasha uu shirku ka soconayey ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo si rasmi ah u furay shirkaas, wuxuuna madaxweynuhu soo jeediyey in shirgudoonka shirkaas guddoomiye loogu doorto guddoomiyihii guddida qaban qaabada Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), kaas oo ay ergooyinka shirku u ansixiyeen inuu noqdo guddoomiyaha shir gudoonka shirka afraad ee xisbiga kulmiye, waxa kale oo guddoomiye ku xigeenka koowaad loo doortay Cali Maxamed Cali (Cali Caliyo) halka guddoomiye ku xigeenka labaadna loo doortay Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyada oo xoghayaha shirgudoonka loo doortay Faysal Cumar Madar.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  oo halkaas ka hadlay ayaa  ka qayb galayaasha shirkaas kula daraarmay in ay ku dedaalaan alle ka cabsiga iyo inay wanaagaa is faraan kana fogaadaan ficillada xun xun .

Maxamed Faarax Muxumed Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo deegaanka somalida Itoobiya oo u hadlay xisbiga barwaaqo ee dawlad deegaanka itoobiya ayaa hambalyeeyay shirweynaha afaraad aee xisbiga kulmiye.

Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi  oo shirkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyay madaxweyne ku xigeenka somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahil Ismaaciil (Saylici) go’aankii geesinimada lahaa ee uu kaga tanaasulay musharaxnimada xisbiga,Waxa uu Madaxweynuhu Khudbadiisa oo aad u dheerayd kaga hadlay Xaalada Guud ee dalka,Siyaasada aqoonsi raadinta.

Madaxweynuhu Waxa uu Cadeeyay in Ergada Shirweynaha ka qayb gashay ay u duceeyaan aasaasihii Xisbiga Kulmiye ahaana Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Xaalad caafimaad u tagay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Sidoo Kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxa uu Sheegay in Xisbiga Kulmiye mudadii 18 Sano ahayd ee uu jiray uu  noqday Mucaarid Xoogan oo aan ka aamusin wixii dhaliil ah ee Jira iyo Doorka Muxaafidnimo oo uu si wanaagsan u gutay maadama uu talada dalka hayo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ay ka go’an tahay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiilladda iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa uu bah-weynta Xisbiga Kulmiye uga mahadceliyey Sidii ay laba Jeer ugu soo doorteen Jagooyinka Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxaanu mar kale ka codsaday inay ku taageeraan inuu mar kale hogaanka u sii hayo Xisbiga Kulmiye.