Yugaandha – (warsoor) – Shirkii looga hadlayay arrimaha Qaxootiga Soomaaliya ee ka socday dalka Uganda oo la soo gabagabeeyo Jimcihii, ayaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku saabsan go’aannada ka soo baxay shirkaasi.
Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha ee dowladda F.Soomaaliya Axmed Daahir C/kariin oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirkaasi uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shirka maanta laa soo gunaanadayo.
Xigasho: SONNA