Muqdisho โ (warsoor) โ Shirkii Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee khamiista waxaa laga hadlay qodobo dhawr ah, waxaana lagu ansixiyey xeerka musuqmaasuqa, safiir la magacabaay iyo horumarka laga sameeyey hawl-gal ay ciidamadu fuliyeen.
Shirkan Golaha wasiiradda ee todobaadkan waxaa shir gudoominaayey Raโiisal wasaaraha Soomaaliya Md. Maxamed Cumer Carte Qaalib.
Shirkan waxaa lagu soo bandhigay xeer ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda ee Soomaaliya, xeerkan oo lagula dagaalami doono Musuqmaasuqa. Golaha wasiiradda ayaa ka dhagaystay wasaaradda xeerkan waxaana dood dheer ka dib la ansixiyey xeerkaasi.
Golaha ayaa sidoo kale waxay ka hadleen goโaankii ay dawladda Kenya ku gaadhay inay albaabadda u laabto xeryaha xaqootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo oo ay in ku dhow Nus malyuun Soomaali ahi ku nool yihiin. Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey waxaanay sheegay in arintaasi aanay suurto gal ahayn in dib hadda Soomaaliya loogu soo celiyo xaqooti ilaa inta looga diyaarinaayo waxyaalaha ay u baahan yihiin.
Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa fadhigooda Khamiista waxay ku ansixiyeen in Wasiirka hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiintu Guuleed Xuseen Qaasim in Safiir loo magacaabo.
Ugu Dambayn Guddida Fulinta ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey hawl-galadda ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ka wadda Soomaaliya, Hawl-galadaasi oo ay goobo badan oo ay haysan jireen Al-shabaab kala wareegeen.