Shirkadda Telesom oo Maal-galisey Dhismaha Biriishka Ceel-gooni ee Burco

BURCO – (WARSOOR) – Xafladda Furitaanka Biriijka Ceel-Goonni
Maanta oo Khamiis ah 13-kii June, 2024 oo ku beegan 7-da Dul-Xijja 1445 waxa aannu ku faraxsannahay in aynu xadhigga ka jarno ‘Dib-u-dhiska iyo Tayaynta Biriijka lugta ee CEEL-GOONNI’ kaas oo ay Madaxda Shirkadda Telesom, Badhasaabka & Mayor-ku ay dhagax-dhigeen Feb 10, 2024.

Biriijkani waa mid muhiimad weyn ugu fadhiya bulshada reer Burco, maadaama oo uu isku xidho xarumo baahiyo weyn loo qabo sida: Jeelka weyn, Cusbitaalka Guud, Qaybta Booliska, Ciidanka Qaranka iyo Dugsiyo ay ka mid yihiin Nursing, C-da, Sh. Yusuf Kawnayn iyo M. A. Cali. Ilaahay waxaan waydiinsanaynaa inuu manfaciisa inoo sugo, shirkaddana ku barakeeyo kaalintaas ay u buuxisay dadkeeda iyo dalkeeda, gaar ahaan Togdheer iyo Burco.

Telesom ahaan, waxa aanu u jirnaa una taagan nahay (our mission) in aanu bulshadayada noloshooda kor u qaadno anaga oo adeegsanayna tegnoolajiyadda casriga ah. Kaabayaasha Isgaadhsiinta (Telecommunication Infrastructure) ee maalgelinta joogtada ah ee aanu ku samayno magaalo iyo miyi waa mid qayb wayn ku leh horumarka nolosha dadka, ganacsiga iyo dawladnimadaba.

Waxa aynu qiyaasi karnaa marka laga soo bilaabo 2009-kii horumarka wayn ee ku dhacay adeegyada maaliyadeed iyo hababka lacagta kaas oo ZAAD-ka hindisihiisu uu horseeday isbedel hor lehna ka dhaliyay dhaqaalaha dalka, hab-shaqeedka ganacsiga iyo xawilaadaha lacagta ilaa aynu noqonnay umad lagu soo hadal qaado maxfallada caalamiga ah ee dhaqaalaha dunida lagu gorfeeyo.

Xilligan la joogo, (iyadoo waxwayn laga bartay masiibadii COVID-19 ee caalamiga ahayd) bulshooyinka caalamku waxay fursad wayn u arkeen ballaadhinta shabakadaha Internet-ka ee Fiber iyo 4G & 5G ee dhanka mobile-ka maadaama ay albaab u yihiin fufka technology-yadaha cusub ee AI, IoT, Machine learning-ka, Robotics iwm kuwaas waxwayn ka taraya kacaan waxqabad badan leh (efficiency & productivity revolution) oo aan hore loo arag oo dhinac kasta ah (Waxbarashada, Caafimaadka, Waxsoosaarka iwm).

Maanta waxa sharaf u ah Telesom sidoo kalena waxtar wayn u ah bulshada reer Burco in shabakadda 5G guud ahaan magaalada Burco aad ka adeegsan kartid, sidoo kale, in ku dhaw 40km uu Fiber dhulka gashan yahay kaas oo ganacsiyada, dawladda iyo guryuhuba ay dhammaan gashan karaan.

Waxa ay daraasaduhu tilmaamayaan in 5G keligii uu dhaqaalaha Sub-saharan Africa ku soo kordhin doono $10.8bn 2030 iyadoo sector-ka adeegyadu yihiin kuwa ugu muhiimsan ee wax lagaga dhalin doono (waxbrashada, caafimaadka, maamulka dawladaha iyo adeegyada maaliyadeed) halka sidoo kale sectors-ka [Beeraha iyo waxsoosaarka guud] ay yihiin meelaha uu si wayn wax tarka ugu yeelan doono. Dal ahaan iyo dad ahaan 5G waanu idiin keennay ee waa sidaynu uga faa’iidaysanno oo mushkiladeheenna ugu xallisanno. Tusaale: dalka Botswana, shirkadda Orange ayaa Nov 2022 ka hirgalisay 5G, isla sannadkaas waxay ku dhaqaaqday Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi inay tijaabiso adeegsiga tignoojaiyadda TELERADIOLOGY oo ah in la qaado sawirrada radiological-ka ah, sida: x-rays, CT scans and MRIs iyadoo bukaanku joogo meel qalabkuna meel ka fog yaallo.

Ugu dambayn, maanta waxa xafladdan jooga qaybihii bulshada ee kala duwanaa, waxaanu idiin ballanqaadaynaa in aanu xaggayaga ka wadi doonno dadaallada dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha tignoolajiyadda annaga oo diyaar u ah in aan hal-abuurro kala duwan idinkala midawno, idinna waxaan idinka filaynaa inaad u adeegsataan horumarka diin iyo adduunyo.