Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga Doorashooyinka

Muqdisho – (warsoor) – Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Raโ€™iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga Doorashooyinka, Amniga Qaranka iyoย  xuduudaha dalka, Kaalinta IGAD ee xal u helista khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, halka lagu Dhageystay warbixinno la xiriira socdaalkiiย  Raโ€™iisul Wasaaraha ee Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Warbaahinta u sharxay qodobada ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada.