Shir madaxeedka Africa iyo Shiinaha oo maanta furmaya

Shiinaha – (WARSOOR) – Waxaa maanta magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha ka furmaya shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Africa, kaas oo la filayo in lasoo gaba gabeeyo lixda bishaan September.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa la filayaa in uu isku dayo in madaxda Africa uu ku qanciyo in ay Shiinaha ka iibsadaan alaabo badan, sida baabuur korontada ku shaqeysa ee Shiinaha, iyo alaabaha kale ee tiknoolojiyadda ee uu Shiinaha soo saaro.

Hase yeeshee madaxda Africa ayaa iyaguna la rajeynayaa in ay shirka la tagaan qorshayaal ay Shiinaha uga dalba doonaan maalgashigiisa Africa iyo in uu iibsado wax soo saarka Qaaradda Africa.