Shir looga hadlayey heerarkii uu soo maray Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (warsoor), Shir wadatashi ah oo ay wada yeesheen guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa banaan ee hirgelinta dastuurka, Wasaaradda dastuurka XFS iyo Masuuliyiin ka socday Heyโ€™adda UNDP UNSSOM oo gacan ka geysata arrimaha dastuurka, waxaana shirkaan ay uga hadleen qodobo badan oo ku saabsan dastuurka.

Shirka, ayaa waxaa soo diyaariyey guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka, waxaana looga hadlay heerarkii uu soo maray dastuurka, waxa qabsoomay iyo waxyaabaha u dhiman.

Wasiirka wasaaradda dastuurka XFS Mudane C/raxmaan Xoosh Jibrii, ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka shirkaan uu ahaa dardar gelinta howlaha dastuurka, waxaana uu xusay in arrimo badan maanta ay kawada hadleen.

Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay wada shaqeyn doonaan heyโ€™addaha heer dowlad goboleed iyo heer federaal ee u xil saaran dhameystirka dastuurka.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.