Shiinaha oo xoojinaya xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ku saabsan istiraatiijiyad horumarineed ee kaabayaal caalami si ay uga faa’iideystaan ​​dadka labada dal.

Mr Xi Jinping ayaa hadalkan ka sheegay isweydaarsiga dhambaallada hambalyada ah ee uu u diray dhigiisa Soomaaliya oo loogu dabaal degayay sanad-guurada 60-aad ee ah xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.

Munaasabad lagu weyneynayay xoojinta xiriirka 60 sano jirsaday ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaasi oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.