Shiinaha Oo Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal Ku Soo Dhaqaajiyey Taiwan

Shiinaha – (warsoor) – Taiwan ayaa sheegtay in ay aragtay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan jasiiradda.

Taiwan waxay 180 kiilo mitir u jirtaa Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. Labada dhinac oo af iyo awoowe-wadaag ah waxaa ka dhaxeysa cadowtooyo salka ku haysa nidaamka siyaasadeed.

Dhinac ka mid ah marin-biyoodka kala qeybiya waa dowladda Beijing oo hoggaanka u haysa nidaam shuuci ah oo dadka uu xukumo ay gaarayaan 1.3 bilyan oo qof, kuwaas oo hal xisbi ka amar qaata.

Dhan kale waxaa deggan Taipei oo maamusha jamhuuriyad dimuqraaddi ah oo dadkeedu ay gaarayaan 23 milyan oo qof.

Xiisada ka taagan Taiwan ayaa cirka isku sii shareereysa kaddib markii ay booqatay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi – tallaabadan waxay sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.

Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dowladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.