Tuko-qas – (warsoor) – Saraakiil Ka Socota Wasaarada Arrimaha GUdaha Somaliland oo uu hogaaminayo La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Axmed Xasan Cigaal Iyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo Khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo baxay Magaalada Hargaysa Ayaa Si Rasmiya Gacanta Uugu Galiyan Saraakiisa Maamulka Puntland Gaadhi Uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Dhawaan Uu Kala Soo Baxsaday Darawalkiisu lana soo galay Somaliland.
Masuuliyiinta ka socda wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo baxay caasimada Somaliland Ee Hargaysa Waxaana Ay Magaalada Oog kulan kula yeesheen ciidamada iyo saraakiisha milatariga ee Widh-widh oo iyagu gaadhigaasi gacanta ku soo dhigan una soo gudbiyey taliska milatarida ee Oog.
Sidoo kale Taliyaha Xerada melatarida ee Oog oo isagu gacanta ku hayey Gaadhigani oo noociisu ahaa HILUX (Xaajiyad) waxaana taliyuhu si rasmiyaga ugu wareejiyey gaadhigaasi masuuliyiihnta wasaarada Arrimaha gudaha Ee La Taliyaha Wasiirka iyo Waliba Af-hayeenka wasaarada Arrimaha GUdaha.
Waftidan oo ka koobnaa Lataliyaha Wasiirka arimaha gudaha Axmed Xasan Cigaal , af hayeenaka wasaarada Jamaal Cabdi Muxumed iyo cutub ka tirsan ciidamada Birmadka oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka birmadka ee gobolka togdheer siciid cabdi shire (Xaliye).
Waxaana ay masuuliyiintani maalinimadii shalay ee jimaca ahayd ay si rasmiya ugu wareejiyeen gaadhigaasi lasoo dhacay saraakiida ciidamada Puntland. Iyaga oo kula kala wareegay Xadka U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland MUdane Cali MAxamed Waran Cadde iyo taliyaha ciidamda Qaranka ISmaaciil Shaqale ayaa gacan weyn Ka gestay Celinta sidii gaadhigaasi loo celinlahaa .
Sidoo kale waxaa dawlada Puntland lagala hadlay kharashaad uu tabanayey wiilka la soo baxsaday baabuurka oo sheegay inuu madaxweyne ku xigeenka Puntland ku leeyahay Laba Sanno iyo Badh mushahar ah.
Kaasi oo wasiir Warancadde iyo Masuuliyiinta gaadhigaasi wareejisayba ay kala wadleen madaxweyne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Arrimaha GUdaha Puntland iyo Waliba Taliyaha Ciidamada Boliska ee Maamulak Puntlan.