Sacuudi Carabiya oo Dib u Celinaysa Lacagihii Cumradda

Sacuudi Carabiya – (warsoor) – Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u celinayso lacagtii cumradda ee sanadkan, ka dib markii todobaadkii hore ay ku dawladda ay mamnuucday inay dalka ay soo galaan muwaadiniinta u dhashay dalka uu xanuunkani ka dilaacay.

Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay daah-furtay hab cusub oo elaktarooni ah oo ay lacagaha dib ugu celinayso, dadka ajaanibka ah ee dalka dibadiisa ka soo cimraysanaayey.

Talaabadan ay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ku joojisay dadka soo booqanaya goobaha baraykaysan ee Sacuudi ayaa noqonaysa talaabadii ugu horaysay ee abid ay boqortooyaddu qaado.

Sanadkii 1918 oo dunida uu ka dilaacay duray ba’an oo ay u dhinteen in ka badan toban milyan oo qof ayaanay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya marnaba soo saarin bayaan ay ku mamnuucayso in la soo cumro iyo xaj togo magaalada baraykansan ee Makka.