Ruushka iyo Ukrain oo isku raacay sameynta waddooyin lagu daadgureeyo dadka rayidka ah

RUUSHKA – (WARSOOR) – Ruushka iyo Ukraine ayaa ku heshiiyey in la sameeyo waddooyin ay ku baxaan dadka rayidka ah ee ku goโ€™doonsan magaalooyinka Ukraine,isla markaana loo ogolaado in la geeyo ย garghaar biniโ€™aadanimo halkaa.

Heshiiska hordhaca ah, ee lagu gaaray Belarus, ayaa yimid iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadaan hareeraynta iyo weerarada magaalooyinka Ukraine oo ay ku jirto caasimadda, Kyiv, iyo magaalada labaad ee ugu weyn ee Kharkiv.

Si kastaba ha ahaatee, ergeygaasi  ma uusan sheegin goorta la sameynayo ama la tilmaamayo waddooyinka nabdoon ee loo qorsheeyay dadka rayidka ah.

Tallaabadaasi ayaa ah  calaamadii ugu horreysay ee muujineysa horumar laga gaaray wadahadallada u dhexeeya dhinacyadaasi,tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka Ukraine .