TEL AVIV – (WARSOOR) – Mareykanka ayaa Axaddii shalay si buuxda u taageeray hadafka dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaddib markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio sheegay in ay tahay in Xamaas la ciribtiro, isla markaana aysan sii ahaan karin awood millatari iyo mid dowladeed.
Rubio ayaa magaalada Qudus shalay kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kulankaas oo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horreysay ee uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii hore.
Rubio ayaa Netanyahu u sheegay in “ilaa iyo inta Xamaas ay u taagan tahay awood wax maamuli karta ama awood khatar keeni karta iyadoo la adeegsanayo rabshado, aysan macquul noqon karin nabaddu.”
Hadalka Rubio ayaa ku soo beegmay xilli dhammaadka xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas ay ka hartay wax ka yar laba toddobaad, isla markaana aan weli la billaabin wada-xaajoodka wajiga labaad ee muddo kordhinta xabbad-joojinta.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ayaa soo dhaweeyay qorshaha madaxweyne Trump ee uu ku doonayo in Mareykanku uu yeesho milkiyadda Gaza.
Wuxuu sheegay in isaga iyo Trump ay mustaqbalka Gaza ka leeyihiin istaraatiijiyad mideysan.
Soo jeedinta Trump ee Gaza ayaa waxaa diiday dowladaha Carabta iyo ururka Jaamacadda Carabta, waxaana sidoo kale ka soo horjeestay qaar badan oo ka mid ah dowladaha xulufada dhaw la ah Mareykanka.