Rishi Sunak oo ballan-qaaday inuu Britain ka saari doono dhibaatada dhaqaale


UK – (WARSOOR) – Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Britain Rishi Sunak ayaa sheegay inuusan ka niyad jabi doonin baaxadda caqabadaha horyaalla, waxaana uu ballan-qaaday inuu soo celinayo kalsoonida iyo inuu dalka ka saarayo dhibaatada dhaqaale.