Holland – (warsoor) – Taageerayaasha Xisbiga (VVD)ee Holland ayaa dabaaldeg balaaran ku jira ka dib markii uu talada dalkaas mar kale ku guuleystay Raysal – Wasaare Mark Rutte oo ka adkaaday Xisbiga Cunsuriyiinta ee (PVV).
Raysal Wasaaraha dalka Holland oo Mr.Mark Rutte oo hagaamiyo Xisbiga Volkspartij Voor Vrijheid (VVD) ayaa helay codadkii la qaaday 31% taas oo ka dhigan inay Baarlamaanka dalka Holland ku yeelanayaan 150 Kursi.
Cunsuriga reer Holland ee Geert Wilders oo watay xisbiga (PVV) ayaa lama filaan ku noqotay tartanka doorashada wadanka Holland ka dib markii ay kaalinta labaad Xisbiyo kale ku qabsadeen.
Geert Wilders ayaa codad ku raadinayay inuu dalka Holland ka saari doono Midawga Yurub waliba uu xidhi doono dhamaan masaajidada ku yaal dalkaas. Qaxootigana ka xidhi doono Xuduudaha dalkaas. Halkan ka eeg sidii ay u kala sareeyeen dhamaan xisbiyadii tarantanka doorashooyinka ka qaybqaatay.
Prognosis after 93 percent of votes counted |
VVD 33
PvdA 9 PVV 20 SP 14 CDA 19 D66 19 ChristenUnie 5 GroenLinks 14 SGP 3 PvdD 5 50Plus 4 Denk 3 FvD 2 |