Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.