RA’IISUL WASAARE XAMSA OO KORMEEREY XARUNTA DHEXE EE HAY’ADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA SOOMAALIYA

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeeray Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, halkaas oo uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda Hay’adda, isagoo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey, isagoo sheegay in ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo, isla markaana ah halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.