Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Wafdigiisa oo Gaaray Dalka Qatar

Doha – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii balaarnaa ee uu hoggaaminayay ayaa si diirran galabta loogu soo dhaweeyay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa booqasho 3 maalmood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalkan Qatar, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.