Ra’iisul wasaare Rooble oo dhambaal hambalyo ah u diray Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hambalyo diray hoggaanka, bareyaasha iyo ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo u dabbaal dageysa sanad guuradii 70–aad ee markii la aas-aasay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa waxaa uu hambalyo diray dufcaddii 21-aad ee maanta ka qalin jabisay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Jaamacadda Ummadda oo la aas-aasay 1950-kii, ayaa ku burburtay dagaaladdi sokeeye, waaxana dib loo howlgaliyey sanadkii 2013-kii. Dufcaddii 2-aad ayaana ka qalin jabisay maanta iyaddo ay ku beegan tahay 70-aad sanad guuraddii ka soo wareegtay markii la aas-aasay.