Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qaabilay wakiilka dalalka Geeska Afrika u qaabilsan Hay’adda IFC

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac, ayaa kulan la qaatay wakiilka dalalka Geeska Afrika u qaabilsan Hay’adda (IFC) Amena Arif, oo ka mid ah Hay’adaha hoos taga Bangiga Adduunka.

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed laga taageero dhinacyada maalgelinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyada oo qeyb weyn ka qaadan karta shaqo abuurka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka.