Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaayey Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Adem Abdelmoula.

Kulanka ayaa looga wada hadlay dardar gelinta dadaallada loogu gurmanaayo dadka abaaruhu saameeyeen iyo hawlaha kale ee gargaar oo meel wanaagsan maraya, sidoo kale waxaa kulanka la iskula eegay xoojinta xiriirka iskaashi ee Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhinacyada horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimada.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa xusay in ay sii wadi doonaan Isla markaana dardar gelin doonaan hawlaha bini’aadanimada iyo gurmadka Abaaraha iyagoo kaashanaya Hay’adaha Dowladda.