Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo Daah-furay Shir

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay Golaha nidaamka Cuntada iyo Nafaqada Soomaaliya, oo diiradda saari doona isku filnaansho xagga cuntada ah oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka ayaa looga hadlay helidda nidaam cunto caafimaad leh, hagaajinta nidaamyada cunnada iyo tayeynta wax-soosaarka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo sugida amniga cuntada dalka, si looga weecdo baahi soo food saarta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dunida ka jiraan abaaraha daba dheeraada iyo xasaradaha baajiya waxsoosaarka cuntada.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya leedahay dhul dihan iyo wabiyo waraabin kara hadii si fiican loo qorsheeyo ka faa’iidaysiga khayraadka dhulka, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay taabogalinta siyaasad furfuran oo dhiirrigelineysa saamileyda wax soo saarka cuntada.

Shirka waxa ka soo qayb galay Wasaaradaha Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka, Ganacsatada Saamilayda wax soo-saarka iyo Hay’adaha Caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhinacdyada horumarinta kaabayaasha dhaqaale.