Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern. Waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.