Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan Malaysiya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan Malaysiya Mudane Ruzaimi Mohamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Danjiraha Malaysiya fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo dhinacyada ay iska kaashan karaan labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Dhankiisa, Danjire Mohamad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diirran, waxuuna hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu Soomaaliya la yeelanayo xiriir walaatinimo oo ku salaysan iskaashi iyo wax wada qabsi xooggan oo dhex mara labada waddan.