Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada Waajibaadka Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan, ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimo.

Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimka ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka.