Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay Mideynayso Dhammaan Tababarrada Kala Duwan ee Ciidanka Qalabka

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

            --DHAMMAAD--

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia