Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo La Kulmey Aqoonyahanno Soomaaliyeed

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa qaabilay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku hawlan cilmibaaris ku saabsan dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Aqoonyahannada oo qayb ka ah madasha Machadka Heritage ee maanta ka billaabatay magaalada Jabuuti, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay doorka muhiimka ay aqoonyahannadu ku leeyihiin baarista iyo xal u helidda mashaakilaadka ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dalkeenu soo maray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dib u heshiin dhab ah ay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, isla markaana Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso ka mirodhallinta aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.