BAYDHABA – (WARSOOR) – Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, oo uu weheliyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa tababbar usoo xiray dufcadii 9aad ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ciidanka dhamaystay tababbarka oo kamid noqon doona daraawiishta Koonfur-galbeed, ayaa loo diyaariyay inay qeyb ka noqdaan sifeynta kooxaha khawaarijta ah iyo xoojinta amniga Maamulka Koonfur-galbeed
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka, oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababbarka, ayaa boggaadiyey dadaallada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madaxda Maamulka oo waqti badan galiyey sugidda amniga deegaannada koonfur-galbeed.